Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dad ku Dhintay Duqayn Xalay ka Dhacday Deegaano ka Tirsan Shabeelaha Hoose Oo lasoo Bandhigay.(Sawiro)



Sun 12 November 2017.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Duqeymo xoogan xalay lagu garaacay Deegaanka Daaru Salaam iyo Deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan Wararka ku helnay Diyaarado dagaal oo loo maleenayo in Mareykanka leeyahay ayaa duqeeyay xarumo ay ku tuhmayaan Al Shabaab oo kuyaala deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Gantaalo lagu dhuftay Deegaanka Daaru Salaam ayaa lagu soo waramayaa in uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah, Waxaana Warbaahinta loo soo bandhigay meydadka sadex nin oo duqeyntasai ku dhintay kuwaa oo ahaa beeraley.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay duqeymaha ay ka geestaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxaana duqeymihii ugu dambeeyay ka dhaceen gobolada Shabeelaha Dhaxe, Shabeelaha Hoose iyo Baay.

 



Views : 16



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines