Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Bada Ee Dalka Spain Oo Tahriibayaal ka Badbaadiyay Badda Mediterranean.



Sun 12 November 2017.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen in ka badan 250 oo ay caruur ku jiraan,kuwaasi oo isku dayayay in ay ka soo talaabaan badda Mediterranean.

Dadkani ayaa sida ay shaageen saraakiisha Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain waxa ay doonayeen in ay gaaraan dalalka Yurub.

Tahriibayaashani ayaa laga soo badbaadiyay 5 Doon oo ah kuwa yaryar oo ay la socdeen.

Doomahani ayaa la sheegay in ay ka soo shiraacdeen dalka Morocco islamarkana dadka saarnaa ayaa waxay inta badan ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya.

Hay'ada caalamiga ah ee socdaalka ee (IOM)ayaa sheegtay in muhaajiriin ka badan 15,000 ay soo gaareen Spain sanadkan.

Tirada dadka muhaajiriinta ee u safri jiray Taliyaaniga ayaa hoose u dhacday.

Balse wali waxa Taliyaaniga uu la daalaa dhacayaa tiro ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah oo soo gaaray dalka Taliyaaniga sanadkan.



Views : 16



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.