Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo kasoo Horjeestay in Ciidamada AMISOM Laga Saaro Somaliya.



Sun 12 November 2017.

Dowladda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay baaqi ku sii ahaadaan Somaliya isaga oo ballan qaaday bixinta taageerada Amisom ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in argagixisanimada Soomaaliya ay sii kordhi karto haddii ay baxaan Ciidamada Amisom iyada oo weerarrada Al-Shabaab ee Soomaaliya ay kordheen bilihii la soo dhaafay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in 1,000 askari oo ah qaybta 2-aad ay ka baxaan Soomaaliya bisha May ee soo socota,iyada oo sababta ugu badan ay tahay dhaqaalaha.

Amisom, waxa ay dalbatay 8,000 oo askari oo dheeraad ah taas oo tirada ciidanka Amisom ka dhigaysa 29,000 oo Askari,waxaana ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan dhulka ay maamulaan Al-shabaab,laakiin dowladaha ciidamada ku yaboohay Soomaaliya kama jawaabin dalabkaas.

Wohlers Marion,oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Wargeyska The East African in Mareykanka uusan rumeysneyn in ciidamada Amisom qaybta ugu horeysa ay Soomaaliya ka baxayaan Bisha soo socota,waxaase uu beddelkeedu sheegay in Mareykanka uu diyaar la yahay taageerada tababarrada,qalabeynta,farsamada iyo latalinta dhinaca amaanka ah si loo xoojiyo Ciidamada Soomaaliya.

“Ma taageerayno in ciidamada Amisom ay baxaan hadda,iyada oo xaaladda amni xumada Soomaaliya ay sii kordhayso, waxaan dooneynaa in la taageero Ciidamada Soomaaliya illaa ay awood uga yeeshaan la wareegidda ammaanka dalkooda.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wohlers Marion.

Sida ku xusan jaantuska Golaha ammaanka ee bixitaanka Ciidamada Amisom, waxa ay 1,000 ugu horreeya bixi doonaan Bisha soo socota,waxaa raaci doona 1,000 kale oo baxaya Bisha May ee 2018,waxaana ay dhamaan doonaan Sanadka 2020ka.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines