Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaanadii Mooshin ka Keenay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Oo Sheegay in Dil Loogu Hanjabay.



Sat 11 November 2017.

Waxaa sii kordhaya Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ,kuwaa oo hada ku mashquulsan diyaarinta mooshin xilka looga qaadayo .

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa kulamo ku leh magaalada Baydhabo, waxa ayna isku diyaarinayaan Xildhibaanadan in Mooshin ay xilka uga qaadayaan in ay ka gudbiyaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibanaada qaar ee mooshinka ka wada Shariif Xasan ayaa sheegay in ay lasoo daristay cabsi xoogan loona soo diray fariimo loogu hanjabayo looguna sheegayo in la dilayo hadii aysan faraha kala bixin mooshinka ay wadaan.

Cibaado Cabdi oo katirsan Baarlanaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay iyada iyo Xildhibaano kale in fariimo toos ah oo loogu hanjabayo loo soo diray, waxa ayna tilmaantay in fariimahaasi masuul ka yihiin Xubno ku dhaw dhaw Shariif Xasan.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada Diyaarinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan in uu hada meel fiican marayo, waxa ayna intaa raacisay Xildhibaanada Mooshinka wada in ay kor u dhaafayaan 100-Xildhibaan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xiligan wajahaya cadaadis kaga imaanaya Xildhibaanada Maamulkiisa iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee dowlada, waxa uuna Shariif hada ka shaqeenayaa fashilinta mooshinka xilka looga qaadayo.



Views : 17



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines