Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xukuumada Federaalka Oo War kasoo Saartay Cabsi ka Jirtay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.



Sat 11 November 2017.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka waramay amaanka garoonka dayuuradaha Aadan cadde oo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in weeraro lala damacsan yahay.

Maxamed Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay in amaanka garoonka uu yahay mid hagaagsan, uusana ka jirin wax khal khal ah, wuxuuna been abuur ku sifeeyey warar maalmahan ay baahinayeen warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in shaqada garoonka hakad la geliyey.

“Runtii maalmahaan waxaa leysla dhex marayay warar been abuur ah oo sheegayey in dhibaatooyin amniga xagiisa ah ay jiraan garoonka, waxaana idin sheegayaa in aysan jirin wax hakad galay cabsi amni darteed shaqadu way socotaa maalinba maalinta ka dambeysa Shaqada waa ay sii ballaaraneysaa waliba xataa xiliyada habeenkii ayuu shaqeeya Garoonka ayuu yiri Wasiirka oo saxaafada gudaha uga digay iney iska hubiyaan xaqiiqada waxyaabaha ay bulshada u tebinayaan.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ayuu ku amaanay wasiirka sida hufan ee ay har iyo habeen ugu taagan yihiin sugida iyo adkeynta amaanka garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday xili maalmahan warbaahinta qaar laga sii daayey in shaqadii garoonka dayuuradaha Aadan-cadde ee Magaalada Muqdisho intooda badan ay hakad u gashay sababo dhanka amniga ah, iyagoo inta badan hadal hayey qaraxyo laga cabsi qabo in Garoonka lagu weeraro iyadoo la adeegsanayo gawaari ciidamada AMISOM horey looga qabsaday.



Views : 17



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.