Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo Deg deg Uga Jawaabtay Hadal ka soo Yeedhay Dowlada Somaliya.



Sat 11 November 2017.

Al-shabaab ayaa hadal ay caawa soo saartay ku beenisay war maanta ka soo baxay Wasiirka warfaafinta Somalia oo sheegay in howlgal ay ciidamadoodu ka sameeyeen gudaha degmada Jilib ay ku burburiyeen xarubtii qaraxyada Al Shabaab isla markaana ku dileen ugu yaraan 81 dagaalyahan

Afhayeenka Al-shabaab ee dhinaca ciidamada ayaa warka kasoo yeeray dowlada Somalia wax lala yaabo ku tilmaamay.

“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga” ayuu yiri Shiikh Abuu Muscab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federalka ay arintan ku duugeyso  guuldarooyinka Military iyo kuwa siyaasadeed oo uu sheegay inay wajaheysay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey.

“Waa qorshe lagu doonayo in lagu duugo guuldarooyinkii ugu dambeeyey ee soo gaaray kooxda Farmaajo sida fashilka xagga amniga ee ka jira caasimada oo banaanka yimid wixii ka dambeeyey weerarki Naasa Hablood, iyo niyad jabka uu Farmaajo kala soo kulmay dowladaha gobolka ee uu ka codsaday in lagu taageero la dagaalanka Mujaahidiinta” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Waa markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay si deg deg ah u beeniso howlgal dowlada Somalia ay sheegtay iney ka fulisay degaanadaas kooxdaas ay maamusho.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines