Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Jubbaland Oo soo Bandhigay Waxyaabo Qarxa iyo Raggii Watay.(Sawirro)



Sat 11 November 2017.

Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo ku qabtay waxyaabo qarxa iyo rag la sheegay iney wateen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada degmada Luuq ayaa Warbaahinta u soo bandhigay raggan oo laba Nin ahaa iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen kuwaasoo u badnaa bambooyinka gacanta laga tuuro iyo telefano yar yar oo loo adeegsado qaraxyada miinooyinka.

“Howlgal ay ka sameeyeen gudaha degmada Luuq ayay ciidamada Jubbaland ku soo qabteen raggan ka dib xog ay ka heleen Shacabka degmada” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Luuq oo saxaafada la hadlay.

Saraakiisha amaanka Jubbaland ee degmada Luuq ayaa sheegay in labada nin ee lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa ay horgeyn doonaan maxkamad ka dib marka uu u dhamaado baaritaano ay ku hayaan.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.