Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Mudaharaad Looga soo Hor-jeedo Muslimiin Goob Fagaara ah Salaad ku Tukanayay Oo ka Dhacay Farnce.



Sat 11 November 2017.

Ku dhawaad 100 ka mid ah siyaasiyiinta Faransiiska ayaa isugu soo baxay wadooyiinka magaalada ku taalla duleedka Paris iyaga oo ka cabanaya dad Muslimiin oo ah salaadii jimcaha ku tukaday goob fagaara ah.

Siyaasiyiintan oo xirnaa dhar leh midibo kala duwan ayaa waxa ay ku luuqaynayeen heesta astaanta qaranka .

Dadkan dibad baxa dhigayay ayaa waxa ay carqaladeeyeen dad muslimiin ah oo dhan 200 oo qof oo ku tukanayay fagaara ku yaalla Clichy.

Booliiska ayaa kala dhex galay labada dhinac balse waxaa dhacay isku dhac kooban.

Dadka ka soo horjeeda in dadkani ay halkaasi ku tukadaan ayaa waxay ku doodeen in ay tahay mid aan la aqbali Karin in la isticmaalo goob fagaara ah iyada oo Faransiiska uu yahay dal ku dhisan nidaam cilmaani ah.

"Goobaha dadwaynaha loolama wareegi karo sidan," waxaa sidaasi sheegtay Valérie Pécresse, oo ah madaxa golaha gobolka Paris.

Valérie Pécresse ayaa hogaaminayay madax ka tirsan dowladda hoose iyo xildhibaano intooda badan ka soo jeeda garabka midig fog iyo xisbiyada UDI.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadka dibad baxa dhigayay duqa magaaladaasi Rémi Muzeau oo wasaarada arrimaha gudaha ugu baaqay in ay mamnuucdo in dadka ay ku cibaadaystaan fagaarayaasha.

Hasa yeehsee Muslimiintii goobta fagaaraha ah ku cibaadaysanayay ayaa waxay sheegeen in aysan haysan goob ay ku tukadaan maadaama goobtii ay ku tukan jireen ay bishii March la wareegtay dowladda hoose.

Dalka Faransiiska ayaa waxaa ku nool 5 milyan oo Muslimiin ah, waana wadanka Muslimiinta ugu yar ay ka noolyihiin galbeedka Yurub.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.