Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xassan Nasrallah Oo Sacuudiga ku Eedeeyay Inay Wadaan Dagaal ka Dhan ah Lubnaan.



Sat 11 November 2017.

Hogaamiyha ururka xisbilah ayaa ku eedeeyya dowladda Sacuudiga in ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Lubnaan ,todobaadyo uun ka dib markii uu iscasilay rai'sul wasaarihii Lubnaan Sacad al Xariiri.

Xassan Nasrallah ayaa sheegay in mr Xariiri uu la hayste u yahay xukuumadda Sacuudiga.

Mr Nasrallah ayaa sheegay in Sacuudiga ay dagaal ka dhex hurinayaan dadka reer Lubnaan.

Waxa uu sidoo Sacuudiga ku eedeeyay in ay ku kicinayaan Israa'iil oo ay kaashanayaan.

Ururka awooda badan ee Shiicada ee Xisbulahi ayaa waxa taageera dowladda Iran oo ay si wayna isaga soo horjeedaan Sacuudiga .

Mr Xariiri ayaa isagu iscasilaadiisa ku saleeyay khatar uusan sheegin waxa ay tahay oo naftiisa soo wajahday.

Hasa yeeshee madaxwaynaha Lubnaan Michel Aoun iyo siyaasiyiinta kale ee sarsare ee Lubnaan ayaa waxay dalbanayeen in mr Xariiri uu dib ugu soo laabto Lubnaan .

Mr Aoun ma uusan aqbalin iscasilaada Xariiri uu iska casilay xilka raisul wasaaraha.

Mr Xariri si toos ah uma uusan hadal tan iyo wixii ka dambeeyay iscasilaadiisii oo ahayd mid lama filaan ah.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines