Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Kulankii Farmaajo & Xildhibaanadii Xilka ka Qaaday Madaxwayne Xaaf Oo Natiijo La,aan ku Dhamaaday.(Sawiro)



Fri 10 November 2017.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Kullan hordhac la qaatay 51-Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug, gaar ahaan Xildhibaanadii Xil ka qaadista ku sameeyey Madaxweynaha Galmudug ayaa kala hadlay Sidii loo damin lahaa Xiisadaha Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayuu ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo in dalka uu u baahan yahay in laga samata-bixiyo halka uu maanta joogo, isagoona la wadaagay waxyaabihii uu kala hadlay Madaxwynaha Galmudug ee Khilaafka la xiriira.

Waxaana Maanta lagu wadaa in laga sii hano qaado halkiisa kulankaan, isla markaana uu Madaxweyne Farmaajo dhageysto Mowqifka Xildhibaanada Xil ka qaadista ku sameeyey Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow oo ahaa Shir gudoonkii Kulankii 26-kii September Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf ay tahay Mid dastuuri ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Aanan la badali karin Dastuurka Galmuduga, waxaana la weydiiyay weydiisay waxyaabaha iska badalay Mowqifkoodii ahaa Xil ka qaadista, waxa uuna sheegay in isbadalka Mowqifkooda uu ka horeeyo in labadalo Dastuurka Galmudug, maadaama tallaabo dastuuri ah la doonayo in la badalo.

Waxa uu Meesha ka saaray in Waan-waan lagu dhameyn doono arrinkaan, Xildhibaanadane lagu qancin doono sidii Madaxdweynaha Galmudug uu isii ahaan lahaa Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada Xal u helista Khilaafaadka ragaadiyey Howsha Shaqo ee Maamulka Galmudug, kadib Markii Madaxweynaha Galmudug uu Xabsi Guri galiyey Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Jawaabtii ka dhalatay arrintaa noqotay in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines