Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo Xabsiga kasii Daayay Dhalinyaro ku Eedaysnaa Inay ku Biirayeen Kooxda Daacish



Fri 10 November 2017.

Abdullahi Yusuf oo ah Wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa sagaal dhalinyaro oo FBI-du qabatay, iyagoo doonayey inay ku biiraan ururka Daacish ee dalka Syria, ayaa laga sii daayey goob si gaar ah loogu xabisay oo ka tirsan  Maraykanka.

Wiilkan oo haatan 21 jir ah waxaa la qabtay sanandkii 2014-ka, isaga oo doonayey inuu ka baxo garoonka Minnesota, balse markii dambe ayuu wada shaqayn la sameeyey hay’adaha amniga isagoo ku martaati furay saaxiibadiis, waxaana taasi darteed laga khafiifiyey xukunka.

Afar ka mid ah dhalinyaradaasi waxay ku jiraan xabsiyo min toban sano ah, halka saddex kale oo ay ku xukuman yihiin xabsiyo u dhexeeya 30-35 sano.

Waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan dhallinyarada doonaysay inay ku biirto Daacish ee la sii daayo, iyadoo Mid kale oo ka mid ah dhallinyarada iskaashiga la sameeyey booliiska xabsiga laga sii dayn doono bilaha hore ee sanadka soo socda.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.