Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Garsoore Yuusuf Oo ku Guuleystay Inuu ka Mid Noqdo Garsoorka Maxkamada Hague.



Fri 10 November 2017.

Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa mar kale u doortay inuu ka mid ahaado garsoorka guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi sida ay  xaqiijiyeen saraakiil Soomaali ah oo ku sugan New York.

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Cabdulqawi ayaa ka mid ahaa shan garsoore oo uu cod u qaaday Golaha Guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York, Wuuna ku soo Baxay, Dad Badan oo Somaliyeed ayaa Baraha Bulshada dhigaya Hanbalyada ku aadan guushiisa.

Maxkamada Cadaalada dunida ee ICJ ayaa waxaa taala dacwad dhanka Bada ah oo udhexeysa Somaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa in go’aanka laga gaaro Sanadan dhexdeeda, Garsoore Cabdulqawi  ayaan waxba uqaban karin dalkiisa maadaama uu arimahan dhex dhexaad ka noqonayo.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines