Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Trump Oo Sheegay In Uusan U Dul-qaadan-doonin Ganacsiga Xadgudubka Joogtada ku Haya Maraykanka.



Fri 10 November 2017.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan u dulqaadan doonin "xadgudubka joogtada ah ee ganacsiga".

Trump ayaa hadal adag ka jeediyay shirka dhaqaalaha ee dalalka Asia-Pacific-gga (APEC) ee lagu qabtay dalka Vietnam.

Wuxuu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay la shaqeynta dalalka Apec waa "haddii ay u hoggaansamayaan ganacsi isku dhaf ah oo cadaalad ku saleysan".

Mareykanka mar dambe "loogama faa'ideysan doono" ganacsiga, ayuu yiri Mr Trump.

Intuu ku guda jiray Safarkiisa gobolka, wuxuu wacad ku maray in ay ka go'an tahay in la saxo dheellitirnaan la'aanta ganacsiga kala dhexeeya Shiinaha iyo Japan.

Apec waxaa ka mid ah 21 dal oo gobolka Pacific-ga ku yaalla, kuwaas oo leh qiyaas ahaan 60 boqolkiiba dakhliga caalamka.

Tan iyo markuu xafiiska qabtay, madaxweyne Trump wuxuu Mareykanka ka saaray heshiiska wada shaqeynta ee ka dhexeeya dalalka loo yaqaano Trans-Pacific-gga. Illaa 12 dal oo qeyb ka ah heshiiskaas ayaa ku doodaya in dhaqaalaha Mareykanka uu dhaawacayo go'aanka madaxweynahooda.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in uu ka hadlo shirka ka socda magaalada Da Nang ee Vietnam.

Wadarta guud ee xiriirka ganacsiga dhexmaray Mareykanka iyo Shiinaha, sanadkii tagay, waxaa lagu qiyaasaa $648bn oo dollar, Laakiin dhaqaalaha ugu badan Shiinaha ayaa ka helay oo faa'iday ku dhawaad $310bn oo dollar.

Madaxweyne Trump ayaa Shiinaha horey ugu eedeeyay in uu xadayo shaqooyiinka dadka Mareykanka, wuxuuna ku hanjabay in uu lacagtooda la dagaallami doono, inkastoo markii dambe uu ka noqday hadalkaasi.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.