Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxwayne Shariif Xasan Oo Kormeeray Dhismaha Madaxtooyada Cusub Ee Laga Hirgalinayo Baydhabo.(Sawirro)



Fri 10 November 2017.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dib ugu laabtay saaka magalada Baydhabo ka dib markii uu Muqdisho kaga qebgalay shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowlada federaalka Somalia.

Masuulyiinta ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo golaha wasiirada maamulkaas ayaa Shariif Xasan ku soo dhoweeyey magaalada Baydhabo.

Waxaa uu kulan la qaatay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu uga waramey Shirkii Muqdisho ka dhacay iyo go’aanadii ka soo baxay.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa kormeeray xarun madaxtooyo cusub oo Maamulka koonfur galbeed looga dhisayo magaalada Baydhabo taasoo hadda mareysa heer gebogebo ah, isagoo u kuur galay qaabka ay howlaha dhismaha uga socdaan xaruntaas.

Shariif Xasan ayaa horey xarun madaxtooyo oo weyn uga dhisay Magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka koonfur galbeed halkaasoo uu horey u sheegay iney u guuri doonaan, lamana oga waxa kalifay in madaxtooyadan cusub uu ka dhiso magaalada Baydhabo oo si KMG ah maamulka Koonfur galbeed ugu shaqeynayey mudooyinkan.



Views : 16



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.