Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Golaha Wasiiradda Oo ka Deeriyay Xaalada Maxaabiista Soomaalida ah Ee ku Xidhan India.



Thu 09 November 2017.

Shirka Todobaad-laha ah ee Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Xaaladda Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Xabsiyada Dalka India waxaana la sheegay in ay ku jiraan xaalad aan wanaagsaneyn.

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo shir Guddoomiyay Kulanka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay Xaaladda Soomaaliya ee amniga iyo siyaasadda.
- Advertisement -

Warbixin laga dhageestay Wasiirada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arimaha Dibadda Soomaaliya waxayna labadooda ka hadlay Xaaladda maxaabiista oo ay sheegeen in aysan wanaagsaneyn.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa ku taliyay in loo dhaqsado Maxaabiista si Dalkooda dib loogu soo celiyo.

Maalmo ka hor ayaa Idaacadda kulmiye baahisay warar ka hadlaya dhibaato ku heysata Xabsiyada ay ku jiraan Maxaabiista Soomaalida ee loo heysto Falal la xariira Burcad badeednimo.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.