Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Askari ka Tirsan Ciidanka Dowlada Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho.



Thu 09 November 2017.

Koox hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin ururka Al-shabaab ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka waxa ay ku dileen Agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geysatay oo aheyd laba dhalinyaro ah ayaa Askariga waxa ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, goobta ayayna ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

War ururka Al-shabaab ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilka Askarigan.

Shalay oo ugu dambeysay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxaa ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Xirsi, oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kaasi oo dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxaasi.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacayay.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.