Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaanada Mooshinka ka Diyaariyay Madaxwayne Shariif Xasan Oo Kulan Xaasasi ah ku Yeeshay Baydhabo.



Thu 09 November 2017.

Wararaka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada, kaas oo ay uga hadleen Mooshinka ka dhanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Feysal Sheekh Cawad oo ka mid ahXildhibaan Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ka arrinsadeen Aayaha Maamulkaasi, si loo saxo khaladaadka haatan ka jira hoggaanka Maamulkaasi.

Waxaana ku eedeeyay madaxweyne Shariif Xasan in uu dayacay Maamulka, islamarkaana uu shaqsiyan u isticmaalay dhaqaalihii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Feysal Sheekh Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaano hor leh ay Saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Maamulkaasi, oo uu xusay in ay xilka uga tuuri doonaan.

Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed in ay taageeraan Baarlamaanka, islamarkaana ay ka tashadaan Mustaqbalka jiritaanka Maamulkaasi.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.