Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qarax Khasaare Geystay Oo Goor-dhawayd ka Dhacay Wadada Warshadaha Ee Magalada Muqdisho.



Thu 09 November 2017.

Waxaa goordhaw Qarax khasaare geystay uu ka dhacay Wadada Warshadaha  ee Maagalada Muqdisho.

sida ay sheegeen dad goobjooga ahaa Qaraxa ayaa ka dhacay ka soo horjeedka xarunta Warshadda Biyaha Caafi oo ku taal Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho .

Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso, ayaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi bile ah oo maraayay wadada, hayeeshe gaariga ciidanka ay saarnaayeen wax Khasaare ah kama soo gaarin Qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo Rag ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi kuwaasi oo saarnaa Gaari nuuca raaxada ah oo wadada Mareysay, kadib markii uu qaraxa saameeyay.

Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo goobta ka akdhowaa ayaa waxa ay fureen rasaas, sida uu sheegay Qof ku sugan agagaarka Warshadda Caafi ee Wadada Warshadaha.

Wuxuu yiri “Qaraxa Miino ayuu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo wadada marayay ayaa lala damacsanaa, qaraxa markii uu dhacay ciidamada gaariga saarnaa wax ma gaarin, laakiin anaga waan kala cararnay markii aan soo noqonay ayaan arkayay laba ruux oo dhaawac ah.

Inta badan Miinooyinka lagu aaso wadada dhinaceeda ayaa waxaa Khasaare uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee ka agdhaw goobaha Miinooyinkaasi lagu aaso.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.