Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Hantidii Dhaxal Sugihii Hore Ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed Bin Nayef Oo Xanibaad Lagu soo Rogay.



Thu 09 November 2017.

Hantidii uu lahaa Dhaxal Sugihii hore ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Nayef  ayaa lagu soo rogay xanibaad, waxaana hada ku socda baaritaano la xariira Musuq maasuq.

Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganeysa xubno katirsan Xukuumada Sacuudiga ayaa ku warantay in la xanibay dhamaan Dhaq dhaqaaqa Akoonada Mohammed bin Nayef .

Xanibaadan ayaa timid kadib markii Sacuudiga ka bilowday howlgal cusub oo lagula dagaalamayo Musuq maasuqa uu Hormuud u yahay Dhaxal Sugaha Boqortooyada sidoo kale ah Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Bin Salmaan.

Wiilka Boqorka Sacuudiga ayaa lasoo baxay awood dheeraad ah, waxa uuna dhawaan xilalka ka qaaday qaar kamid ah golaha Wasiirada waxa uu sidoo kale xiray Amiiro awood badan lahaa.

Mohammed bin Nayef ayaa ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha oo muddo dheer xilka soo hayey, waxaana dhawaan Boqorka Sacuudiga uu ka qaaday Xilkii dhaxa sugaha isagoona dhaxa Suge cusub ka dhigtay Wiilkiisa Maxamed bin Salamaan.

Awooda cusub uu lasoo baxay Wiilka Boqor Salmaan ayaa xiligan si weyn looga dareemayaa Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaana hada ah ninka ugu awooda badan Sacuudiga Maadaama Boqorka uu xanuunsan yahay.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.