Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasiirrad Reer UK ah Oo Shaqada Uga Tagtay Kulan Qarsoodi ah Oo ay la Yeelatay Madaxda Israel,



Thu 09 November 2017.

Priti Patel ayaa iska casishay wasiirka horumarka caalamiga ah ee UK iyadoo bartanka lagaga jiro dooda kulanka aan loo fasixin ee ay la yeelatay mas’uuliyiinta Israa'iil.

Waxaa laga dalbaday in ay ka soo laabato safar shaqo oo rasmi ah oo ay Afrika ku joogtay, Ra'iisulwasaaraha ayaana ugu yeertay xafiiskeeda Downing Street si arrintan wax looga waydiiyo.

Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu "uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta ee ay u ol'olayn jiray, dhiirigalin jirtayna".

Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu "uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta ee ay u ol'olayn jiray, dhiirigalin jirtayna".

Ra'iisulwasaaraha ayaa sheegtay in ay qaadatay go'aan "sax ah" iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeen arrintan".

Patel ayaa raali galisay Ra'iisul wasaare Theresa May Isniintii ka dib markii ay soo baxday in ay kulan aan loo fasixin la yeelatay bishii Agoosto siyaasiyiin reer Israa'iil ah oo uu ka mid yahay ra'iisulwasaare Benjamin Netanyahu.

Laakiin intaas ka dib waxaa soo baxday in ay labo kulan oo kale gashay iyadoo aysan wehelin masuuliyiinta dawladda UK, bishii Sabtembar.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.