Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dagaal Culus Oo Galabta Ciidamada Dawlada & Alshaab ku Dhexmaray Duleedka Degmada Balcad.


Wed 08 November 2017.

Dagaal qaraar ayaa galabta ka dhacay degaano ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen degaanka Basra oo  ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada.

Basra ayaa ka mid ah degaano dhowr ah oo maalmo ka hor laga saaray Al-shabaab markii ay duulaan ku qaadeen milateriga Somalia.

Goob joogayaal ku sugan degaanka Basra ayaa sheegaya in dagaalka oo muddo saacado ah socday ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala gedisan.

Xaalada degaanka ayaa degenaansho ku soo laabatay wixii ka dambeeyey maqribkii caawa, waxaana weli degaankaas maamulaya ciidamada dowlada, iyadoo xoogagii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday dib loo caabiyey.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u xoog badan oo argagax ku abuuray dadka degaanka Basra ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray labada dhinac inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga helin.

Ciidamada dowlada ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday degaano ku yaalla xadka labada shabelle howlgalo xoogaga Al-shabaab looga saaray degaano badan.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.