Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Hogaamiyaha Dibad Wareega Ee Catalonia Oo Midawga Yurub ka Dalbaday Inay Aqoonsadan Natijadii Dorashada.



Wed 08 November 2017.

Hoggaamiyaha Catalonia ee musaafuriska dibadda ugu maqan Carles Puigdemont ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub in ay aqoonsadaan natiijada doorashada Catalonia ee dhici doonto bisha soo socota.

Carles Puigdemont waxa uu sheegay in ay habboontahay in reer Yurub ay aqoonsadaan natiijada doorashadaasi xitaa haddii ay horseedeyso in gobolkaasi uu ka go'o Spain inteeda kale.

Khudbad uu u jeeediyay maayarada magaalooyinka ku yaalla gobolkaasi Catalonia oo yimid Brussels ayaa Puigdemont waxa uu ka codsaday madaxa golaha reer Yurub Jean-Claude Juncker in uu caddeeyo in uu taageerayo iyo in kale waxa uu ku tilmaamau afgambiga uu ku kacay ra'iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy.

Dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa intooda badan waxa ay walaac ka muujiyeen sida midowga reer Yurub uu uga gaabiyay in uu cambaareeyo rabshadihii ay ku keceen booliska Spain xilligii Catalonia ay ka dhaceysay aftidii muranka dhalisay.

Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka reer Yurub oo ka soo jeeda gobolka Catalonia ayaa sheegay in dadka reer Catalonia ay is weydiinayaan su'aala ah Yurubtii daryeeli weyday dadkeeda ay wax dan ah ka leedahay iyaga.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines