Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Hayadaha Gargaarka Oo Canbaareeyay Cunaqabataynta Xulufada Sacuudiga Ay Saareen Yamen.



Wed 08 November 2017.

Hay'adaha gargaarka ayaa raadinaya in ay si degdeg ah marinno ugu helaan shixnadaha gargaarka ah ee ay u wadaan dalka uu dagaalku halakeeyay ee Yemen, ka dib markii Sacuudigu uu xiray dhammaan marinadii dalkaas galayay.

Qarammada Midoobay iyo hay'adda Laanqayrta Cas waxay sheegayaan in "xaalad masiibo ah" ay malaayiin dad ah halis galinayso kuwaas oo ku tiirsan gargaar naf badbaadin ah.

Sacuudi Carabiya ayaa tallaabada ay qaaday ku sababaysay in Iiraan ay Xuutiyiinta u gudbinayso hub, waxayna Tehran ku eedaysay "dagaal milatari oo toos ah".

Iiraan way diiday in ay hubaynayso jabhadaha oo dagaal kula jira xulafada tan iyo 2015kii.

Sabtidii gantaal kuwa riddada dheer ah ayaa lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Sacuudiga.

Maxamed bin Salman oo ah amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in gantaalada la siinayo jabhadaha "loo arki karo tallaabo dagaal".

Nikki Haley oo Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii sheegtay in gantaallada iyo waxyaabaha kaleba laga yaabo in laga keenay Iiraan asal ahaan.

Waxay sheegtay in Iiraan ay meel uga dhacday labo qaraar oo Qaramada Midoobay ka soo baxay loona baahan yahay in lagula xisaabtamo.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines