Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Khubaro Qiimeyn ku Sameeysay Habka loo Bixiyo Basaboorka Somaliya Oo soo Gaadhay Muqdisho(Sawiro)



Wed 08 November 2017.

Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u arkaan hab-ka qaadashada Basaboorka Soomaliya.

Imaanshaha wifdiga khubarada ayaa ka dambeysay ka dib safaro uu agaasimaha guud ee Hay’da Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ku tagay dalalka reer yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaliya. Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.

Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan hab-ka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.

Ugu dambeyn khubarada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Basaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan hab-ka bixinta Baasaboorka.

Agaasimaha guud ee HSJ Col. Kofi ayaa casho sharaf u sameyay wafdiga khubarada marka ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimadeen, waxaana wafdiga ay agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan xafiisyada loo maro qaadashada Baaaboorka isla markaana ay Soomaliya ugu horeyso wadamo badan oo afrika ah oo ay horay u tageen.

Col Koofi ayaa is badal badan ku sameeya Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha mududadii uu xilka hayay, waxaana Baasaboorka Soomaaliya uu hada noqday mid tayadiisa ay sareyso



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.