Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Qof Shacab ah ku Dilay degmada Afgooye.



Wed 08 November 2017.

Wararka ka imanaya degmda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda toogasho ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Cali Xuseen,waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku dhaqan degmada Afgooye

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo lagu magacaabo Nuur Cali ayaa warbaahinta u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu si bareer ah u toogtay marxuumka oo la sheegay in gaari uu watay Dhiiqo ka dhalatay Roobka gaarsiiyay Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda kaddibna mid ka mid ah si ula kac ah u toogtay waa sida uu hadalka u dhigay Nuur Cali oo ka mid ah odayaasha deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay si bareer ah u dilaan dadka shacabka ah, iyadoo dhowr jeer oo hore maxkamada ciidamadu toogasho ku fulisay Askari ku eedeysneyd dilka dad rayid ah.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines