Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo la Kulmaya Xildhibaanadii Xilka ka Qaaday Madaxwaynaha Galmudug.



Wed 08 November 2017.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu kulan la qaato qaar kamid ah Xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray qaar badan oo kamid ah Xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug, waxaana xildhibaanadan u yeeray Madaxweynaha Soomaaliya si uu ugala hadlo Khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug, waxa uuna Madaxweynaha horey ula kulmay Madaxda sare ee maamulkaasi kuwaa oo iska soo horjeeda.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxwenaha ayaana la kulmaya Xildhibaanada Galmudug ee Xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf Caawa ama berito, waxaana socda diyaar garow ku aadan kulankaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Xildhibaanada Xilka ka qaaday Xaaf ku qanciyo in ay ka laabtaan go’aankooda si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug ka taagan.

Maamulka Galmudug ayaa bur buran qarka u saarmay kadib markii ay iska soo horjeesteen Madaxweynaha Galmudug, Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana xildhibaanada labada dhinac kala taageersan sheegeen in ay labada garab is haya mid walbo xilka ka qaadeen.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines