Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ra’isul Wasaaraha Dalka Qatar Oo Aqbalay Dalab Uu Hor-dhigay Wasiirka Amniga Somaliya.



Tue 07 November 2017.

Ra’isul Wasaaraha dalka Qatar Abdalla Bin Nasir Aala Thani ayaa kulan kula qaatay Magaalada Doxa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow oo booqanaya dalkaasi.

Wakaalada wararka dalka Qatar ayaa faafisay in labada masuul ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo taageerada dowlada Somalia.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu u baahan yahay in gacan weyn laga siiyo dhinacyada amaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo dalbaday in laga caawiyo dhinacyada qalabka ciidamada iyo sirdoonka

Labada masuul ayaa diirada saareen qaabka loo wajahayao amniga iyo xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya.

Saraakiil diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado kuna dhawaa kulankan ayaa sheegay in Qatar ay muujisay sida ay diyaar ugu tahay in Soomaaliya ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxayna balan-qaadeen iney qaadeen iney laamana amaanka Somalia ka caawin doonaan baahida dhinaca qalabka si ay u gutaan waajibaadkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadamada saaxiibada la ah waxa ay ka raadinaysaa taageero caalami ah ka dib markii dhowaan uu Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa oo dhaliyey dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca boqolaal kale.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines