Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qeybtii Ugu Horeysay Ciidamada AMISOM Oo la Shaaciyey iney ka Baxayaan Somaliya.



Tue 07 November 2017.

Midowga afrika ayaa shaaca ka qaaday in la dhimayo ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya oo tiradoodu gaareyso illaa 23 kun oo askari.

Madaxa hawlgalka AMISOM Franscisco Madeira ayaa maanta u sheegay weriyayaasha magaalada Muqdisho in illaa kun askari oo ka tirsan AMISOM ay ka baxayaan Somalia ka hor dhamaadka sanadkan.

Dhimista ciidanka darteed ayuu Mr. Madeira sheegay inuu jiri doono dhaqdhaqaaq badan oo ciidamada AMSIOM ay sameyn doonaan waxaase uu ka digay inaysan arrintaasi noqonin mid keenta argagax.

Maderia waxa uu mar kale ku celiyey in ka bixitanaka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay u dhici doonto qaab wejiyo leh, isla markaana ay ku xirnaan doonto xaaladda ka jirta gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada dowlada Soomaaliya ay u baahan yihiin tababaro, qalab culus iyo mushahar joogto ah si ay amaanka dalka ula wareegaan.

Go’aanka qeyb ka mid Ciidamada AMISOM looga saarayo Somalia ayuu sheegay iney islka gaareen Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika, wuxuuna xusay in arintan aysan dhibaato u keeni doonin amaanka Somalia.

Hadalkan ka soo yeeray wakiilka midowga afrika ee Somalia ayaa ku soo aadaya xili dowlada Soomaaliya ay isku diyaarineyso iney guluf dagaal ku qaado degaanada ay dalka ka joogaan Al-shabaab.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines