Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Askari Dhibaato Xun U Geestay Gabar Yar Oo Lagu Qabtay Kismaayo.



Tue 07 November 2017.

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu xiray askari katirsanaa Ciidanka Puntiland oo dhibaato xoogan gaarsiiyay gabar da’yar ah.

Askarigan katirsanaa Ciidamada Puntland ayaa gabar 16-sano jir ah oo magaaladaasi kunooleed damcay in uu xoogo balse markii ay ku adkaatay arintaasi xabado kaga dhuftay xubinta Taranka.

Gabadhan oo dhaawac culus qabta ayaa hada lagu daweenayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana xaalada gabadhan lasoo sheegayaa in ay tahay mid adag.

Askariga dhibaatadan geestay ayaa durba ka baxsaday magaalada Boosaaso waxa uuna gaaray magaalada Kismaao ee xaruna KMG ee maamulka Jubbaland, waxa uuna ku degay guriga masuul katirsan Jubbaland .

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay heleen xogta askarigan baxsaday in uu joogo magaalada Kismaayo, waxa ayna ka cdsadeen maamulka Jubbaland in ninkaasi lasoo qabto.

Ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in hada gacanta ku hayaan asakrigan dhibaatada xanuunka badan gaarsiiyay gabadha 16-sano jirka ah, waxaana la filayaa in ninkaasi lagu wareejiyo Maamulka Puntland si loo maxkamadeeyo.

Ehelada gabdhan dhibaatada la gaarsiiyay ayaa codsaday in ninkan dhibka gaarsiiyay gabadhooda lasoo qabto lana horgeeyo maxkamad cadaalad ah ay ku kalsoonaan karaan.

Tacdiga uu askarigan u geestay gabadhan da’da yar waxaa si weyn uga xumaaday bulshada Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale arintan si weyn u cambaareeyay Hay’adaha ka shaqeeya xaquuqda dumarka iyo kuwa Bini’aadamka.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines