Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Kuxigeenka Xoghayaha Guud Ee QM Oo Gaadhay Muqdisho Booqdayna Isgoyskii Shacabka Lagu Xasuuqay Ee Zoope(Sawirro)



Mon 06 November 2017.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM ee dhinaca amniga Petter Drenan iyo wafdi uu horkacayo.

Petter Drenan ayaa kulamo la qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha amaanka Muqdisho.

Guddoomiye Taabit oo u la socdo Wakiilka QM ee Somalia Micheal Keating ayaa wafdigan geeyey isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho halkaasoo 14kii bishii hore uu ka dhacay qaraxii musiibada ahaa ee ay ku dhinteen boqolaal Soomaali ah.

Wafdigan oo muddo saacado ah loo xiray isgoyska Zoope ayaa indhahooda ku soo arkay burburka iyo saameynta weyn ee uu geystay qaraxaas.

Petter Drenan ayaa sheegay in QM ay xoojin doonto taageerada dhinaca amaanka ee ay siiso dowlada Somalia si loola dagaalamo ayuu yiri kooxaha argagaxisada ah ee qaraxyada geysanaya.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines