Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Amniga Somalia Oo Magaalada Doha kula Kulmay Generalka Ciidamada Dalka Qatar.(Sawiro)



Mon 06 November 2017.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Magaalada Doxa kula kulmay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qadar.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Masuuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ah guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar General Sacad Bin Jaasim Al-khalif iyo madax kale.

General Sacad Bin Jaasim Al-khalif ayaa sheegay in dowlada Qatar ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaalida, ayna ka caawin doonaan wax ka qabashada dhinaca amaanka iyo gargaarka.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxda sare ee dalka Qatar ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka

Inta uu ku sugan yahay dalka Qatar ayaa Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka waxaa la filayaa inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, isagoo kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabadgelyada iyo qodobo kale oo khuseeya xiriirka labada.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines