Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Malaayiin Dolar Oo la Dul Dhigay Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen Iyo Afartan Sarkaal Oo kale.(Sawiro)



Mon 06 November 2017.

Sacuudiga ayaa liiska argagixisada ku daray Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, C/Maalik Al-Xuuti iyo 40 Sarkaal oo la shaqeysa, isagoo sidoo kale dul dhigay madaxooda lacag gaareysa 30 milyan oo dollar.

Liiska waxaa kaloo ku jira Madaxa Golaha Siyaasadda Xuutiyiinta, Saalax Al-samad iyo Gacan-yarayaal kale oo kooxdaas ka tirsan

Kharajkaasi ayaa la sheegay in la siin doono qof kasta oo keenta Warbixin horseedi karta in la soo xiro Hoggaamiyaha Xuutiyiinta iyo Saraakiisha kale.

Abaalmarinta lacageed ee Sacuudigu ku dhawaaqay ayaa timid ka dib markii la burburiyey gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonka Dayuuradaha King Khalid oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga ee Riyadh dhowr habeen ka hor.

Gantaalkaasi ka dib Dayuuradaha Isbahaysiga Sacuudiga ayaa qaaday labaatameeyo weerar oo ay la beegsadeen Xarumaha Xuutiyiinta ku leeyihiin caasimadda dalka Yemen ee Sanca iyo magaaladda Sacda oo ah halka gantaal laga tuuray.

Goobaha la duqeeyey waxaa ka mid ah Dhismaha Wasaaradaha Gaashaandhiga, arrimaha Gudaha iyo Golaha amniga Qaranka ee Xuutiyiinta, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.