Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Dawlada Somaliya Oo soo Bandhigay Rag ka Tirsan Alshabaab Oo Lagu soo Qabtay Dagaal.(Sawiro)



Mon 06 November 2017.

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo saaacadihii ugu danbeeyay howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe ayaa oo bandhigay rag u badnaa dhalinyarro oo ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ragga la soo bandhigay oo ay ciidamadu soo qabteen oo gaarayay 15 ruux ayaa ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab, waxaana lagu qabtay sida ay sheegeen saraakiisha howlgalo laga fuliyey deegaannada Daniga Baalow, Basra, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan ayna hogaaminayeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwo Mareykan ah.

Marka laga soot ago sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ma jirto cid kale oo madaxbanaan oo xaqiijin karta in dadka la soo bandhigay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo in kale.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.