Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Oo ka Hadlay Askari Dhibaateeyay Gabar Yar Oo 15 jir ah.



Mon 06 November 2017.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Puntland Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa ku tilmaamay been abuur warar maalmihii Danbe laga sii deynayey warbaahinta oo sheegayay in askari ka tirsanaa ciidanka badda Puntland uu ka danbeeyay falka lagu dhaawacay Gabar 15 jir ah oo sheegtay in askari isku dayayey inuu kufsado uu xabad kaga dhuftay xubinteeda taranka.

Waxaa uu sheegay  Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax in falkaasi uu yahay mid foolxun oo loo baahan yahay in baaritaan dheer lagu sameeyo si sharciga loo hor keeno askarigii ka dambeeyey.

Mar la waydiyey Taliyaha in askarigaasi uu mar soo maray Ciidamada Badda Puntland waxaa uu ku jawaabay in askari magacaas wata uusan weligiis ka mid noqon ciidankaas.

”Askari Magacaasi leh wali Ciidanka Badda Puntland kama Mid Noqon, waxaan filaya waxa tuhunka soo galiyay inuu yahay dareska ciidamada oo aad isugu eg awgeed in dadku u qaataan inuu ahaa askari ka tirsan ciidanka Badda Puntland” ayuu yiri taliyaha oo xusay in askariga la soo eedeeyey laga yaabo inuu ka tirsan yahay qeybaha kale ee ciidamada Puntland.

Gabadha xabada looga dhuftay xubinta taranka oo la keenay Muqdisho haatana ku jirta isbitaal lagu daweynayo ayaa sheegtay in falkan uu kula kacay askari ka tirsan ciidanka badda Puntland ka dib markii ay iska caabisay xili uu doonayey inuu kufsado.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.