Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidanka Xoogga Dalka Oo ku Faanay Inay ku Guulaysteen Hawl-galo ay Alshaab kaga Xoreyanayay Deegaano ka Tirsan Sh/hoose.(Sawiro)



Sun 05 November 2017.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa hoggaaminayey howlgal ciidamada difaaca ay ku xorreeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaasi oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Deegaanada howlgan lagu xorreeyey, waxa kamid ah God, Dofaar, Jambaluul iyo Basra oo kawada tirsan gobolka sh/hoose, waxaana intii uu socday howlgalka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid dagaal oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa sheegay in ciimadda ay guullo weyn ka gaareen howlkaasi, ayna ku dileen maleeshiyaad nabad diidka ka tirsan, isagoo intaas raaciyey in nolosha ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi Naflacaariga ah.

howlgaladani, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.