Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qarax Xoogan Oo Caawa ka Dhacay Meel ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Magalada Riyad.



Sat 04 November 2017.

Wararka ka imanaya Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa  sheegaya in qarax weyn laga maqlay meel aan  ka fogeyn garoonka diyaaradaha caasimada Sacudi Carabiya ee Riyad.

Taleefishinka Al-Arabiya oo soo xiganaya sarkaal u hadlay wasaarada gaashaandhiga Sacudi Carabiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay weeciyeen gantaal ay jabhada Xuutiyiinta soo rideen.

Hase yeeshee Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay gantaal ku rideen garoonka diyaaradaha magaalada Riyad, taleefishin ay leedahay boqortooyada Sacudi Carabiya Al-Ekhbariya ayaa sheegay in gantaalku uu ahaa mid aan awood badan lahayn isla markaana geysan wax qasaare ah.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa u sheegay Al Jazeera inay ku rideen magaalada Riyad gaar  ahaan garoonka Boqor Khaalid gantaalka loo yaqaan Burkan 2-H kaasoo wax ka duqeyn kara illaa 800km.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.