Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

AMISOM Oo Qorshaysay In Ammaanka Somaliya Ay ku Wareejiso Ciidamada Milatariga Dalka.



Sat 04 November 2017.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa  xaqiijiyay in  ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay  ammaanka dalka Soomaaliya ku wareejiyaan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ambassador Francisco Caetano Madeira oo arrintan ka hadlay ayaa yiri: “Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay  u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas’uuliyada ammaanka dalka Soomaaliya.”

Wakiilka Midowga Afrika ayaa intaa ku daray in dhaqdhaqaaqan uusan waxba u dhibi doonin xasiloonida iyo ammaanka dalka Soomaaliya uuna socon doono toddobaadyada soo socda.

“Waa inaan ugu hambalyeynaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay uga  go’an tahay inay xoogooda isugu geeyaan sidii ay u dhamaysan lahaayeen tababarka ayna u xaqiijin lahaayeen inay la wareegaan mas’uuliyada ammaanka deegaanada ay nabadeeyeen ciidamada AMISOM.”ayuu sii raaciyay Ambassador Madeira.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu yahay 2372(2017) waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah ay ciidamada AMISOM ugaga soo baxaan wadanka Soomaaliya kadib marka tababaro sare loogu qaadayo xirfada ciidamada qaranka Soomaaliya la siiyo.



Views : 38



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.