Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Milatariga Soomaliya Oo Maanta Gaadhay Deegaanka Basra Ee Degmada Balcad.



Sat 04 November 2017.

Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo uu weheliyo guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa maanta booqasho ku tegey deegaanka Basra oo maalmihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab.

Booqashadan ayaa lagu sheegay in ay mas’uuliyiintan ku weheliyeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Milatariga dowlada Soomaaliya waxayna kula kulmeen deegaanka Basra maamulka degaankaas iyo waxgaradka ku nool deegaanka Basra oo ah deegaan caan ku ah waxsoo saarka beeraha gaar ahaan qudaarta.

Sidoo kale mas’uuliyiintan iyo ciidamadan ayaa waxa ay gaareen deegaanka Danida oo dhowaan qarax lagu aasay wadada ay ku dhinteen illaa lix ruux oo dumar iyo ragba isugu jira.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Alshabab oo toddobaadyadii la soo dhaafay halkaa ku sugnaa ay isaga baxeen saaka waaberigii.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa u sheegay dadkii ay la kulmeen in ay sugi doonaan ammaankooda ayna u dulqaadan doonin in Al-shabaab ay deegaanadaas ku soo dhuumato.

Deegaanada ku dhow dhow degmada Balcad ayaa maanta lagu arkayay ciidamo badan kuwaasoo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

 



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines