Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxwayne Trump Oo Booqasho ku Maraya Wadamada Qaarada Eeshiya.



Sat 04 November 2017.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayay u bilaabatay booqasho uu ku marayo wadamada qaarada Eeshiya.

Booqashada Trump oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine.

Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi.

Mr Trump ayaa lagu wadaa in Kuuriyada Koonfureed iyo Japan uu u muujiyo midnimo iyo in ay hal dhinac ka soo wada jeedaan.

Sidoo kale madaxwayne Trump ayaa la filayaa in Shiinaha uu ku cadaadiyo in ay mowqif adag ka qaataan xukuumada Pyongyang.

Madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay horey isu waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul.

Xilligii ugu dambaysay oo madaxwayne Mareykan ah uu booqasho sidan u dheer uu ku tago wadamada Eeshiya ayaa ahayd mar madaxwayne George HW Bush uu booqday dabayaaqadii sanaddii 1991 iyo horraantii 1992,



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines