Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa ku Amray Inay Degdeg Uga Baxaan Muqdisho.



Sat 04 November 2017.

Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si degdeg uga baxaan magaalada Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray Xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Howlgalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhamaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Muqdisho illaa amar dambe.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee Soomaaliya ay tahay mid aad u halis ah, isla markaana khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka.

Muwaadiniinta Mareukanka ee go’aansaday inay Muqdisho joogaan inay dib u eegaan amnigooda shaqsiyadeed, isla markaan ay si gaar ah uga war hayaan Warbaahinta, ayna feejignaan dheeri sameeyaan.

Mareykanka ayaa wax safaarad ah ku laheyn magaalada Muqdisho, sidaas darteed waxaa muwaadiniinta la siiyay macluumaad ku saabsan hadii xaalad khatar dareemaan inay la xiriiraan Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Digniintan ka soo baxday Mareykanka ayaa ah tii u horeysay oo nooceeda ah, waxaana ay ku soo beegmaysaa, iyadoo Al-Shabaab ay todobaadyadii u dambeysay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay Soomaaliya.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.