Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maamulka Gobolka Banaadir Oo ku Fashilmay Fulinta Amar Dhowaan kasoo Baxay.(Sawiro)



Fri 03 November 2017.

Waxaa dhegaha laga fureystay fulinta amaro uu dhowaan soo saaray Maamulka gobolka Banaadir kuwaasoo ku wajahnaa gaadiidka xamuulka qaada iyo booyadaha dhexmara jidadka Muqdisho.

Maamulka gobolka ayaa ku amray gaadiidka xamuulka iyo booyadaha in magaalada gudaheeda aysan mari karin maalinta cad laga bilaabo 7-da subaxnimo ilaa 8-da fiidnimo.

Waxa uu sidoo kale maamulka gobolka Banaadir mamnuucay in gaadiidka waaweyn la saaro rar aad u badan, waxaana maamulku sheegay cidii ku xad gudubta amarkooda in ay ganaaxi doonaan lacag dhan 10-Milyan oo Shling Soomaali ah.

Hadaba maamulka gobolka ayaa ku guuldareystay fulinta amarkan, iyadoo tan iyo intii uu soo baxay amarkan gaadiidka xamuulka ah ay sidoodii hore u isticmaalayaan jidadka Muqdisho saacadaha laga mamnuucay, waxaana jidadka lagu arkayo ka mid ah wadada Maka Al Mukarama oo ah mida mashquulka iyo jaamka badan Muqdisho.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.