Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Mucaaradka Kenya Oo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay Inay Cunoqabateeyaan 3 Shirkadood.



Fri 03 November 2017.

 Isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inaysan la macaamilin saddex shirkadood oo ay ku eedeeyeen inay maalgeliyeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii la soo dhaafay ku guuleystey markale doorashadii kuceliska ahayd.

Saddexda shirkadood oo ay mucaaradka Kenya ku eedeeyeen inay taageereen xisbiga Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa ay kala yihiin shirkada isgaarsiinta Safaricom,shirkadda caanaha ee Brookside iyo shirkada saliida wax lagu karsado ee Bidco.

“Waxaan ku baaqeynayaa cunoqabatayn xanuun badan taasoo baabi’in doonta shirkadahan illaa ay ka horimanayaan cadaalada doorashooyinkii ka dhacay Kenya.”ayuu yiri Nakara Lodep oo ka mid ah isbahaysiga mucaaradka Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya  Raila Odinga ayaa hore u sheegay in ay sameyn doonaan dhaqdhaqaaq wax iska caabin kadib markii uu qaadacay inuu u tartamo doorashada ku celiska ahayd ee dhacday 26kii bishii aynu ka soo gudubnay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa markii labaad ku guuleystey muddo shan sano ah kadib doorasho ku celis ahayd oo ay guddigii doorashada ku dhowaaqeen inuu ku helay boqolkiiba 98 balse dadka u soo baxay doorashadan waxa ay gaarayeen boqolkiiba 39.

Mucaaradka ayaa waxa ay ku eedeynaaan shirkada Safaricom in lagu gudbiyay natiijooyinka doorashada halka shirkada caanaha ee Brookside Dairy ay qeyb ahaan leeyihiin qoyska Kenyatta.

Odinga ayaa fursad u haysta illaa Isniinta inuu u gudbiyo dacwad Maxkamada Sare balse haddii uusan helin sharci burinaya doorashadii ku celiska ahayd, 14ka bishan November ayaa waxaa la caleemasaari doonaa Uhuru Kenyatta.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines