Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Bogii Uu Madaxwayne Trump ku lahaa Twitter-ka Oo Hawada Looga Saaray.



Fri 03 November 2017.

Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.

Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saaray si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii'aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan.

Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa "ciwaankaas ma jiro!".

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.

Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay.

Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii.

Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol'olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines