Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Duqeyn loo Geystay Daldhig Uu Ururka Daacish ku Leeyahay Buuralayda Buqa & Degmada Qandala.



Fri 03 November 2017.

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in  xalay gantaalo lagu garaacay deegaanka Buqa oo saldhigyo ay ku leeyihiin ururka Daacish ee Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa la sheegay in loo malaynayo in lala beegsaday hogaamiyaha ururka la magac baxay Daacishta Soomaaliya Sheekh Cabdiqaadir Muumin,

Deegaanka la duqeeyay ayaa ugu yaraan lixdan km u jira degmada Qandala oo hore ururka Daacishta Soomaaliya ay maalmo haysteen.

Mas’uuliyiinta gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in la maqlay illa lix gantaal oo xalay lagu garaacay  deegaankaas lama oga qasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen guuxa diyaarado kuwaasoo loo malaynayo in ay duqeyntan geysteen.hase yeeshee ma jirto Illaa hadda cid sheegatay inay ka dambeysay duqeyntan.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.