Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Maraykanka Oo Beenisay Inay Dhaqaalaha ka Jarayso Soomaaliya.



Fri 03 November 2017.

Wasaarada Arrimaha Dibbada dowlada Maraykanka ayaa beenisay in ay joojineyso dhaqaalaha ay siiso ciidamada milatariga Soomaaliya kadib markii dhowaan saxaafada ay baahisay warar arrintaas ku saabsan.

Qoraal ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu beeniyay warkaas waxaana lagu yiri qoraalkaas;

“Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay  joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn”.

Sidoo kale qoraalkan ayaa  lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxey mudnaanta siisaa daah furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan.’ayaa lagu yiri qoraalkan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.”



Views : 15



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines