Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Shirka Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada Oo Marxalad Xasaasi ah galay.



Fri 03 November 2017.

Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in marxalad xasaasi ah uu galay, iyadoo uu dib u dhac ku yimid in shirka la soo gaba gabeeyo maalintii shalay.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka ay ka dhalatay doodo kulul iyo qodobo la isku mari waayay, taasoo sababtay in shirka dheeraado, maadaama qorshihiisa ahaa in muddo 3 illaa afar cisho, balse haatan uu todobaad sii galayo.

Inkastoo shirka horay loogu heshiiyay qodobo uu ka mid yahay Amniga, hadana waxaa wali doodo ka taagan yihiin arrimaha kheyraadka, dib u eegista Dastuurka oo qodobo ka mid ah uu jahwareer ka jiro, arrimaha khilaafka ka jira maamul goboleedyada oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre lagu eedeynayo inay wado olole ka dhan ah Madaxda Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Madaxda Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweynaha, iyagoo sheegay in kacdoon ka socda Baydhabo iyo Cadaado ay ku lug leedahay Xukuumadda, isla markaana aanay shirka sii wadi karin, inta Xukuumadda arrimahaas faraha kula jirto, waxaana natiijo kasta oo shirka ka soo baxda ay ku xireyn in Xukuumadda ay marka hore soo afjarto xiisadahaas.

Sidoo kale arrimaha kale ee dooda ka taagan ayaa ah in Hindise sharciyeedyada uu ansixiyo Baarlamaanka, taasoo horay Madaxweynaha Puntland uu ashtako uga keenay, isla markaana dalbaday in marka hore maamul goboleedyada laga tala geliyo.

Si kastaba ha ahaatee maanta oo jimco ah ayaa wax shir ah jiri doonin, waxaana laga yaabaa in caawa Madaxda kulamo gaar gaar ah yeeshaan, isla markaana kama dambeys maalinta berri oo Sabtid ah ay dhici karto in shirka la soo gaba gabeeyo, hadii aysan caqabado kale soo bixin.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines