Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka.(Sawiro)



Thu 02 November 2017.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Shirkan ayaa looga hadlayay siyaasadda ammaanka qaranka iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirkan oo ah kii labaad oo ammaanka Qaranka lagaga tashanayo waxaa lagu wadaa in la isku raaco sidii loo qaadi lahaa hawlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo dalka laguna soo celinayo kala danbaynta iyo amaanka wadanka oo dhan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirka ka sheegay in loo baahan sidii loogu diyaar garoobi lahaa dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana looga saari lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa kaloo shirka looga hadlay qorshaha Difaaca Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Shirkan ayaa ahaa mid ka baxsanaa shirka Wadatashiga ee Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo galay maalintii shanaad.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.