Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qarax Caawa ka Dhacay Isgooska Banaadir Ee Magaalada Muqdisho.(Sawiro)



Thu 02 November 2017.

Waxaa caawa Fiidkii qarax gaari Nuuca raaxada ah hoosta looga soo xiray uu ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in ay wateen labo nin oo katirsan ciidanka Nabad sigida Soomaaliya.

Gaariga ayaa xiliga uu qarxayay waxa uu hor yaalay carwo kutaala meel ku dhaw Isgooska Banaadir, waxaana ragii watay gaariga xiligaasi ku dhax jireen Carwada oo ay wax ka iibsanayeen.

Qaraxn ayaa la sheegay in usan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, waxaana halkaasi ku gubtay gaarigii qaraxa lagu soo xiray oo ahaa nuuca raaxada .

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo xiro, waxaana inta badan qaraxyadaasi lala beegsadaa ciidanka iyo shaqaalaha dowlada.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.