Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Heshiis Laga Gaadhay Beelo Muddo ku Dagaalamayey Magalada Marka Ee Gobolka Sh/Hoose.



Thu 02 November 2017.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose Xasan Cumar ayaa sheegay in labo beelood oo muddo dheer ku dagaalamayey gobolkaas ay haatan isla gaareen heshiis nabadeed.

Xasan Cumar ayaa sheegay in heshiiskan uu yimid ka dib markii waxgaradka labada beelood oo wadahadalo ku yeeshay magaalada Marko ay isla garteen iney joojiyaan colaada nabadna ku bedelaan.

“Heshiiskan waxa laga soo shaqeynayey muddo dheer, labada beeloodna waxay muujiyeen iney daacad ka yihiin nabada, ayna ka go’an tahay iney colaada joojiyaan” ayuu yiri Xasan Cumar.

Heshiisyo fara badan oo horey loo dhex dhigay labadan beelood ayaa fashilmay, waxaana halkooda ka sii socday dagaalada dhexmarayey oo noqday kuwo loo maaro waayey.

Guddoomiyaha Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose ayaa intaas ku daray in heshiiskan uu ka duwan yahay kuwii hore, ayna hadda isdhex galeen maleeshiyooyinka labada beelood ee colaadu u dhexeysay, taasoo uu xusay ineysan horey u dhicin.

Shacabkii ka qaxay dagaalada gaamuray ee labada beelood u dhexeeyey ayuu ugu baaqay iney guryahooda ku soo laabtaan kana shaqeeyaan nabada iyo horumarka gobolka.

Shacab fara badan ayaa dil, dhaawac iyo barakicin loogu geystay gobolka Sh/hoose qeybo ka mid ah mudada dheer ee beelahan colaadu u dhexeysay, waxaana la gubay tuulooyin iyo beero fara badan.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines