Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Turkiga Oo Qoryo Casri ah Ugu Deeqday Dawlada Somaliya.(Sawiro)


Thu 02 November 2017.

Sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu dowladda Turkiga ayaa u soo dirtay dowlada federaalka Somalia 450 qoryaha Fudud ee casriga ee MPT-76, kuwaasoo lagu farsameeyo dalka Turkiga.

Qoryahan casriga ah ayaa la sheegay inay Ciidamada dowladu u adeegsan doonaan Dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxaana loo qeybiyey ciidamada Soomaalida ah ee lagu tababarayo saldhiga Turkigu ku leeyahay duleedka magaalada Muqdisho,

Qoriga MPT-76 ayey Khubaradu sheegeen inuu wax ka dili karo masaafo gaareysa illaa 600 oo mitir.

Sidoo kale, waxay sheegeen in qorigaasi halkii ilbiriqsi laga ridi karo 700 ilaa 800 oo xabbadood, iyadoo ciidamada ilaalada madaxtooyada Turkiga ay ku hubeysan yihiin qorigan oo dowlado badan oo sacuudigu ka mid yahay ay ka codsadeen Turkiga inuu ka iibiyo.

MPT-76 ayaa noqonaya qorigii ugu casrisanaa ee loo gacan geliyo ciidamada dowlada Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowlada dhexe ee milateriga 27 sano ka hor.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.